#Environment
Target:
Somali envorinment champions
Region:
Somaliland

Waxa Jira geed caan ah oo ku yaal buurta daalo. geedka ayaa meel aad u qurux badan ku yeelay. dhalinyaro badan ayaa dalxiis u tagi jiray halkaa. Waxaa baryihii u dameeyey dhacay in dhalinyaro kusoo gashay sawiro geedkan oo ku yaal meel khatar weyn ku keeni karta nolosha dhalinyaradaas.

In kastoo aan ogsoonahay muhiimada ay leedahay in la badbaadiyo nolosha ummada Soomaaliyeed oo goobtan soo booqanaysa misna waxa aan aad uga xunnahay in goaan ka ah in la jaro geedka uu ah mid gabi ahaanba ahayn mid caqliyad sax ah ku timi.

Sida owgeed waxaan doonaynaa inaan helno ugu 1000 cod oo muujiya dareenkooda ku aadan dhibta geedka loo gaystay.

Waxaan doonaynaa Wasaarada Deegaanka Somaliland, Mamulka gobolka Sanaag, kan degmada Ceergaabo ay ka garaabaan tala xumada loo geystay geedka iyo meel ka dhaca lagula kacay bilicda Daalo. Waxaan doonaynaa inay balan qaadaan ficilkan oo kale in aanu dib usoo noqon.

GoPetition respects your privacy.

The Dhiibtii Geedka daalo loo geystay petition to Somali envorinment champions was written by Anonymous and is in the category Environment at GoPetition.

Petition Tags

somalia somaliland